top of page

Newest

Newest

Hindiya waa waddan ku yaal koonfurta qaarada Aasiya. Waa dal ka mid ah waddamada ugu waaweyn uguna dadka badan aduunka. Caasimada waddankaan waa new Delhi. Waddankaanu waxa uu soo maray mar xalado kala duwan xiligii gumeystaha ee ingariiska. Sikastaba ha ahaatee, hada waxa uu ka mid yahay waddama da aduunka kuwooda ugu hormarsan dhinaca dhaqaale. Markii lajoogo dhanka dhaqamada, İndia waa waddan leh caadooyon qurxoon , ilbaxnimo qadiimi ah iyo dhaqamo kala duwan ku waasoo soo jiray ku manaansano ka hor soona jiitay caalamka qeebihiisa kala duwan. Balooggan, waxa uu ku saabsanyahay dhaqamada cajiibka ah ee Hindida, anagoo baraneynaa caadooyinka dadkeeda, luuqadadooda cuntooyinka , hiddahooda iyo caqiidadood.

Content table:

. Dadka

. Luuqada

. diinta

. cuntada

. Dabaaldegyada

. Dharka hindiya

. daawa dhaqameedka

. Yoga

. Farshaxanada

. Muusiga

Dadka:

Dadka india waa dad leh qoowmiyad kala duwan iyo qabiilo yar yar oo badan ,waa na dadka ku jiro kaal maha hore ee dadka ugu tirada badan aduun ka, taasne waxaa sababtay is guursigooda soo jireenkaa. Waxaa la sheegaa in Hindiya dadka kunool ay ahaayeen 1.408 billion oo qof 2021kii. Dadka Hindiya waxa ay caan ku yihiin daryeelka, marti galinta iyo is xariirinta bulshada oo ay ugu horeedo tan qoyska. Sidookale, waa dadka ugu qoys jaceylka badan aduunka. Ka dib xiligii gumeystaha dadka re hindiya waxa u soo baxday il, ayagoo ka bogtay dhibaatadii uu ugeystay gumeysahi ingariiska. Waxay bilaabeen ka shaqeenta hormarka waddankooda dhan walba hadey tahay sameynta ganacsiyo, dhisida waddanka , iyo hormarinta waxbarashada. Sidaa tarteed, dadka hintidaa hadii ay yihiin dadka ugu baddan aduunka hadane waxaa lagu tilmaamaa iney yihiin ku wo ugu aduunyo naceybka baddan aduunka oo waa dadka ugu is daldalka baddan dunida.


Luuqada:

Hindiya waxa ay leedahay luuqado badan oo kala duwan oo cajiib ah kuwaas oo lagaga hadlo guud ahaan qaranka. Dastuurkooda waxa uu aqoonsanyahay 22 luuqadood oo la qorsheeyay, ayadoo luuqadaha rasmiga oo ay ku hadlaan ayna tahay Hindi iyo English, halk warbixinada qaar oo looga hadlo ay dhahaayaan luuqad rasmi ah ma lahan hindia maadaama ay jiraan boqolaal luuqado iyo lahjado kala duwan ay dadku ku hadlaan .

Luuqadu waa sheeyga ugu muhiisan dadka isla nool taasoo ka saacida iney dadku is fahmaan hal wado ne ku socdaa.


Religion/diinta:

Hindiya waa waddan kala diin ah oo diimaha kala duwan ay si nabad ah ugu wada nool yihiin. Diinta ugu weyn ee qaranku waa Hinduism, oo leh ilaahyo waxaa ku xiga Islam, Christianity, Sikhism, Buddhism, iyo Jainism. Diin kastaa waxay leedahay caadooyin u gaar ah. Dad kooda ku wa diimaha aaminsan waxa ay baddankood aaminaan waxii ay jeclaadaan. Waxaa jira dad aamina ama caabuda xayawaan ka sida lo,da, halka qaarkalane ay caabudaan sanam yada iyo waxii lamida. Dadka aamin san islaamka iyo ku wada aaminsan kirishtanka waa baddan yihiin, maadaama ay yihiin labo diin oo waa weyn. Marka lajoogo islaamka waxaa lasheegaa dadka hindidaa ee aaminsan islaamka hadii laqiyaaso waxa ay tiro ahaan la eg yihiin waddanka ruushka dadka ku nool.


Cuntada:

Hindiya gudaheeda majirto halnuuc oo cunta ah. Jawiga cimilada oo kaladuwan, caqiidoondinka kala duwan iyo il baxnimadu waxa ay sababaan cuntooyin kala duwan. Gobal walbo oo ka mid ah gobolada Hindiya waxa uu ku faanaa caadooyinkiisa cunto. İn ta badan waxa ay cuntooyinkooda ku daraan wax yaabaha carfaayo sida xawaashka iyo geedo kale oo udgoon. Sidookale waxa lasheegaa in cuntadoodu ku baddan tahay bisbaaska. Cuntoo yinka ugu caansan waddankaas waxaa ka mida, Korma, Curry, Malia kofta iyo Rogan Josh. Waxa ay cunteyaan dadka saddexda waqti sida casho,quraac iyo qado. Subaxii waxa ay ucunaan quraac cuntooyin kala duwan sida Porri , rooti , Dosa wax ladhaho, sabaayad iyo waxii lamida. Waxa ay cunaan quraacdooda inta u dhaxeeso 7:00-8:00 subax nimo.S idookle,cashadane waxa ay inta baddan ucunaan bariis, rice, curry, sambar, iyo wax layiraah rasam. Waa dad qaata cashadooda waqti hore waxa ay u bilaab mataa 7:00-9:00 habeemo. Marka la joogo qadadane waxa ay u cunaan Barfi, Pani puri iyo Dhokla. Waqtiga qadada ay cunaana waxa ay u dhaxeeysaa 12:00-2:00 galabnimo. Waxaa jiro dadk baddan oo hindiyaan ah ku waasoo aan cunin wax hilib ah. Waxa ay inta baddan cunaan qudaarta, taasaa waxa ay ka qeyb qaadatay in dadku baddankood yihiin beeraaley.


Dabaaldegga:

Dabaaldegyada waa shay muhiim u ah dhaqanka Hindida. Sannadka oo dhan, dabbaaldegyo fara badan ayay sameeyaan waliba si xamaasad iyo raynrayn leh. Diwali, Festival of Light, Holi, Festival of Colors, Eid, Durga Puja, Christmas iyo Navratri, dhamaan waa waqtiyo kala duwan oo ay u dabaal dagaan. Waqtiyada ay dabaal dagaayaan dadka Hindiya qaarkooda isku caqiidada ah waxa ay marsadaan rinji ayaga oo muujinaayo xamaasad iyo farxad.


Dharka hindiya:

Dharka dhaqameed ee Hindiya waa ku kala duwan yihiin deegaan ahaan, taas oo ka tarjumaysa noocyada dhaqameed ee uu waddanku leeyahay. Dharka dhaqameed oo ay xirtaan ragga iyo dumarku waxaa ka mid ah saari iyo dhoti, laakiin dharka reer galbeedka ayaa sidoo kale caan ka ah, gaar ahaan meelaha magaalooyinka waaweyn.


Daawa dhaqameedka:

Waxaa jira daawa dhaqameed ay leeyihiin Hindidu. Ayurveda, ayaa waxa ay tahay nidaam caafimaad oo qadiimi ah oo Hindi du leeyihiin., waxa ay xooga saarayaan daaweynta iyo daryeelka caafimaad . Farsamooyinkaan dhaqameed sida Ayurveda, Unani, iyo Siddha ayaa weli caan ka ah Hindiya ayadoo wali laga isticmaalo gobolada qaar ee waddanka ku yaalo.

Yoga:

Yoga waa qeyb ka mid ah jimicsiga ama qaabka loo sameeyo jimicsiga, waxaa asal ahaan keenay Hindida. Sameenta Yogada ayaa ka mida dhaqamada hindiya, waxayna heleen sumcad caalami ah . Waxa ay leedahay faa'iidooyin jireed, maskaxeed iyo ruuxeed. Dhaqamadani waxay xidido qotodheer ku leeyihiin falsafadihii hore ee Hindida waxayna door muhiim ah ka ciyaaraan kobcinta wanaagga.


Farshaxanada:

Farshaxanka Hindida ayaa muujinaya dhaqamadii kala duwanaa ee dalka soo maray. Sawirro iyo nashqado qurxoon ayaa qurxiyey madxafyada qadiimiga ah, daaraha waaweynkaa,, iyo taalloyinka, kuwaas oo muujinaya xirfadda faneed ee waayihii hore iyo dareenkooda.


Muusiga:

Muusigu waxa uu qeyb weyn ka yahay dhaqan hindiya,ayagoo usoo bandhigo qaabab kala duwan. Carnatic iyo Hindustani ayaa ah labo qeyb oo muusigooda ka mida , waxaana caan ku ah waqooyiga iyo koonfurta hindia. Muusiga india ka liyah ku uma sameeyaan madadaalo sidookale waxa ay sameeyaan waqtiga cibaadad, markii laga reebo ku muslimkaa oo aanan sameyn wax muusiga xiliga ay cibaadeeysaayaan.


Gunaanad, Waddan walba waxa uu ku faanaa dhaqankiisa soo jireenkaa iyo ilbaxnimadiisii hore ame danbe. Hindiyane waa waddan sidookale tix galiya dhaqan kiisa qeeb walba. haday tahay, farshaxanadooda, muusiga, cuntooyinkooda, iyo diimahooda kala duwan.

Other related posts:

- French|culture,people and language

- Japan|culture,people and language

- Italy|culture,people and language


Faransa waa waddan ku yaal Galbeedka qaarada Yurub, waxa uuna xaduud lawadaagaa waddamo gaaraayo todobo dal, waxa ay kala yihiin Jarmalka , Biljam, switzerland, italy, spain iyo andorra. Dhanka bada xaduud waxa uu la wadaagaa waddanka UK. Faransa waxa ay leedahay magaalooyin taariikhi ah, buuro iyo xeebo. Caasimada Faransiiska waa Paris, taasoo aheyd asalkeedii mid ka tirsaneyd imbaraadoorkii romanka. Waana magaalo caan ku ah quruxda iyo fashionka, Meelaha lagu keediyo wax yaabihii hore waxaana ugu horeeyo Louvre iyo taalooyin ame calaamado caan ah sida Tower Eiffel. Faranka waxa ay door weyn dhaqanka markii la joogo Yurubta, ayagoo fankooda, cuntadooda, farshaxanadoodu ay ku yeesheen saameyn weyn aduunka daafihiisa. Markii uu Faransiisku sameeyay ganacsiyo caalami ah ayagoona u sameeyeen suuq geeyn caalami ah waddan koodu waxa uu noqday waddan ka mid ah kuwa ugu quruxda badan Yurubta loona aado dalxiiska, xiligaan aan joognana waa mid dhoofintiisu ay wanaagsantahay.

​Table of Content:

. Dadka . Luuqada . Muusiga . Farshaxanka . Suugaanta . Cuntada . Ciyaaraha . Coffee/Kafeega . Dabaaldagyada . Diinta

Dadka:

Dadka Faransiiska waa dad kala duwan oo is kugu jiro madow iyo cadaan in taba, waxa ay na leeyihiin dhaxal dhaqameed qani ah. Tirada dad ka ree faransiis waxaa lagu sheegaa iney yihiin dad gaaraayo 67,413,000 oo qof. Dadka ree faransiis waxa ay aduunka ku soo kordhiyeen wax yaabo kala duwan , waxaa ka mida farshaxanka, suugaanta, falsafada, sayniska, iyo kuwa kale. Waxaa lasheegaa iney caan ku yihiin dadkaas cabida qamriga. Dadka Faransiinsku waa dad jecel midnimada sidookale waa dad jecel farshaxanka. Qoysaskoonu waxa ay qiimeeyaan dhaqankooda. Waxaa la sheegaa inta baddan dadka ineysan ahayn dad cuno quraacda halka inta kale oo soo hartay ay cunaan cuntooyin fudud ame wax yaabo yar yar oo macaan len. waxa ay ree Faransiis İs buucu marka uu dhamaan rabo qoysaska balaaran ee ree Faransiis waxa ay dhaqan iyo caado u leeyihiin iney mar wada cunteeyaan waqtine wada qaataan.


luuqada:

Luuqadda Faransiiska waa luuqad caalami ah taasoo looga hadlo meelo baddan oo aduunka daafihiisa ka mida ah, luuqadaani waxa ay ka mid tahay luuqada ha ugu waa weyn dunnida. Luuqada Faransiiska ayaa inta badan lagu tiriyaa ay tahay mid ka mid ah luuqadaha ugu quruxda badan uguna jacaylka badan adduunka. Faransiisku waa luqadda rasmiga ah ee waddanka oo waddanka, waxayna qayb muhiim ah ka ciyaartay sameenta aqoonsiga dhaqameed ee Faransiiska.


Muusiga:

Dhaqanka muusikada ee Faransiisku waxa ay tixraacaydaa caadooyinka, dhaqamada, iyo qaababka muusiga ee soo jireenka ah ee dhex mara jiilalka dhaqan ama bulsho gaar ah. Caadooyinkani waxay inta badan leeyihiin muhiimad taariikheed iyo dhaqameed qoto dheer. Qaybaha muusiga ee faransiisyada ama xafladaha waxay diiradda saaraan bandhigga muusig oo kala duwan, kuwaa soo is kugu jira muusig dhaqameed is laameed sida muusig waddan kale. Faa'iidooyinkan ayaa laga yaabaa inay ka muuqdaan bandhigyo, aqoon-is-weydaarsiyo, iyo baayacmushtar la xiriira muusiga dhaqameed ee meelo kala duwan oo adduunka ah. Fanaaniinta ayaa ah kuwo ku dara heesahooda muusig dhaqameed waddan kale, iyaga oo abuuraya isku dhafka dhaqanka iyo qaababka casriga ah. Inkasta oo laga yaabo in tani aysan ahayn ganacsi hadane waxay u horseedi kartaa abuurista calaamad ama mashruuc gaar ah.

Waxaa muhiim ah in la ogaado in muusiga dhaqameedku uu inta badan si qoto dheer ugu qotomo hidaha dhaqanka oo laga yaabo in aanu mar walba la jaan qaadin dhinacyada ganacsiga iyo calaamadaynta sida caadiga ah ee la xidhiidha franchises. Si kastaba ha ahaatee, waxa jiri kara fursado lagu horumarinayo laguna ilaalinayo muusiga dhaqameed ee qaabka ganacsiyada iyo dhacdooyinka muusiga la xidhiidha.


Farshaxanka:

Faransiisku waxa uu leeyahay dhaxal farshaxan ku waaso hodan ka ah agtooda. Laga soo bilaabo farshaxameestayaasha halyeeyada ah sida Claude Monet iyo Vincent van Gogh ilaa qorayaasha caanka ka ah adduunka sida Victor Hugo iyo Marcel Proust,. Waxa ay na u yeeleen ame u sameeyeen madxafyo tiro badan. Caasimada waddanka Faransiiska ee Paris ayaa inta badan loo arkaa inay tahay xarun farshaxan oo caalami ah. Farshaxan Faransiisku waxa uu saamayn weyn ku yeeshay saaxadda fanka caalamiga ah, caadooyinkiisuna waxa ay ka kooban yihiin qaabab iyo dhaqdhaqaaqyo kala duwan oo mid kastaa waxa uu gacan ka geystaa duubis hodan ah taasoo muujineesa fanka Faransiiska.


Suugaanta:

Suugaanta Faransiiska ee dhaqameed waxay caan ku tahay qaninimadeeda iyo kala duwanaanshaheeda, oo ka kooban noocyo iyo waqtiyo kala duwan. Suugaanta Dhexe ee Faransiiska waxaa ku jira gabayo hal-abuur ah sida Heesaha Roland iyo The Romance of Tristan , Waxay inta badan ka kooban yihiin tahay sheeko-xariirooyin, jacayl iyo wax lamida

Suugaanta Faransiisku waxay wax weyn ku soo kordhisay suugaanta adduunka waxayna weli tahay dhaqan suugaaneed firfircoon oo saamayn leh. Waxay soo saartay shaqooyin socday qarniyo badan, oo ka tarjumaysa isbeddelka bulsho, dhaqan, iyo muuqaal falsafadeed ee Faransiiska iyo adduunka.


Cuntada:

Cuntada Faransiiska ayaa caan ka ah aduunka daafihiisa,nuuc walbe waxa ay leedhahay dhadhan iyo waxa ay dadku ku tilmaamaan in ay tahay mid leh xiiso gaara. Dhowr nuuc oo cuntooyinka Faransiiska ah ayaa jiro waxaa ka mida Croque-monsieur, Quiche Lorraine iyo bourguignon. Cunnada Faransiiska waxay xoogga saartaa maaddooyinka cusub,taasoo ka dhigta cunto laga qadariyo adduunkoo idil.


Ciyaaraha:

Ciyaaraha ame Isboortiga ayaa ka mid ah wax yaaba ha ugu muhiimsan dhaqanka Faransiiska. Kubadda cagta (kubadda cagta) ayaa ah ciyaaraha ugu caansan, waxaana xulka qaranka Faransiiska uu marar badan ku guuleystay Koobka Adduunka ee FIFA. Faransiiska dhexdiisa ne, rugby, tennis, iyo baaskiil wadid waa ciyaaraha kale ee caanka ah.


Coffee/ Kafeega:


Dhaqanka kafateeriyada waa shay muhiim u ah nolol maalmeedka Faransiiska. Maqaaxiyadu waa meelo bulsheed oo ay dadku isugu yimaadaan, ku sheekeystaan, kuna cabbaan kafeega ama khamriga inta ay ku guda jiraan wadahadalo ame doodo maskaxeed.


Dabaaldagyada:

Sannadka oo dhan, Faransiisku waxa uu qabtaa dabbaaldegyo dhawr ah. 14-ka Luulyo waa Maalinta Bastille, waxa ayna sameeyaan fasax qaran ayaga ku sharfaayo Kacaankii Faransiiska. Carnaval, Bandhiga Filimka Cannes, iyo Tour de France ayaa ka mid ah ciidaha muhiimka ka ah.


Diinta:

Faransiisku ma heestaan caadiyan diin doowladeed oo dowladoodu waxa ay ku dhagantahay wax la yiraah lacité taas la micna ah cilmaaninimo. maadama ay san jirin diin dowladeed dadku waxa ay aaminaan dhowr diimood oo kala duwan sida Kiristanka ame islamka. Goobaha dowliga ee Faransiiska sida lasheegay waxaa ka mamnuuc ah dharka diimeedka . Tusaale, xijaabka.


Gabagabada, dhaqanka Faransiisku wuxuu ka kooban yahay dareen xoog leh oo lagu faano taariikhdiisa, farshaxankiisa, iyo luqaddiisa, isaga oo u beddelaya xoog dhaqameed oo soo jiidasho leh oo muhiim ah ka adduunka.




By ashoweb.com

Adduunyada ay arrimaha juqraafiyeedku si joogto ah u saameeyaan xidhiidhka caalamiga ah, quwadda iyo awoodaha ciidan ee qaranka ayaa muhiim u ah meeqaamka adduunka oo dhan. Xoogga millatari ayaa weli ah astaanta lagu qeexo saameynta waddanku ku leeyahay saaxadda caalamiga ah, laga bilaabo diyaarinta difaaca ilaa saadaalinta awoodda. Awood ulahaanshaha difaaca qaran maahan mid sahal lagu sameyn karo, waxaa ay u baahan tahay didaal dheer iyo in lamaalgaliyo. Waxaa jiro waddamo dhowr ah ku waasoo ay u suurta ga shay in ay meel sare ka gaaraan difaaacida qaran kooda,ilaa ay ka gaareen in midba midka kale ugu han jabo tayada ciidan ee uu markaas heesto iyo in ay ku faanaan heerka ay tiknooliji yada ka maraayaan. Waxaa ugu horeeyo mareeykanka iyo Russia oo ah labo waddan ee ugu horeedo oo ugu awooda mabad dunida, ayagoo ku sameeyo han jabaad iyo bandhigyo dhaka awooda ciidana midba midka kalaa. Blog-gani waxa uu eegi doonaa tobanka waddan ee ugu sarreeya ee leh awoodda milatari ee ugu cabsida badan, taas oo ku salaysan , tignoolajiyada, shaqaalaha, iyo awoodaha istiraatijiyadeed.


1.Maraykanka 🇺🇸:

Maraykanku waxa uu leeyahay milatariga aduunka ugu awooda badan, waana waddanka ugu miisaaniyada culus aduunka. Maraykanku waxa loo aqoonsaday ineey caan kuyihiin hormarka joogtadaa ee gaarista caalamka, tignoolajiyada casriga ah, iyo miisaaniyada difaaca oo badan. Milateriga Maraykanku wuxuu si degdeg ah u qorsheyn karaa awoodda adduunka oo dhan wuxuuna ilaalin karaa danihiisa iyo xulafadiisa taasne waxaa sabab uah hubkooda casriga ah, shabakadaha waaweyn ee saldhiga u ah militirigooda, iyo askartooda oo si heer sare ah u tababaran.

2.Ruushka 🇷🇺:

Ruushka ayaa ku jiro kaalinta labaad ee wadadama ugu awooda ugu Awooda sareedo aduunka dhanka milatari. Ruushka waxa uu leeyahay cudud ciidan oo dhameys tiran iyo militray dhameystiran ku waasoo awoodoodu sareedo. Militariga Ruushka waxa ay leeyihiin hub nukliyeer ah oo awood sarre leh iyo qalab militiri oo dhameys tiran heersana leh, Siyaasadda militariga ee Ruushku waxay mudnaan siinaysaa hal-abuurnimada farsamada iyo casriyaynta ciidamadeeda qalabka sida oo dhan .


3.Shiinaha 🇨🇳:

Shiinaha, oo ah waddan si degdeg ah u horumaraaya sida weynaanta caalamiga ah, ayaa si weyn u maalgeliyay casriyeynta milatarigiisa, Iyada oo leh militariga ciidan kuwa adduunka ugu waa weyn, sidookalana ka sameeyay horumarro la taaban karo oo laga gaaray dhanka tignoolajiyada gantaallada, iyo ciidamada badda ee soo koraya, dhisidda militariga Shiinaha ayaa ka tarjumaysa hamiga uu u leeyahay saameynta caalamka.


4.Hindiya 🇮🇳:

Hindiya oo ah waddan dadkiisu badan yahay, ayaa sidookale ka mid ah waddamada caalamka kuwaasoo militarigoodu sareeyo, ciidan military waxay haysataa ciidanka labaad ee adduunka ugu sarreeya waxayna samaysay guulo la taaban karo oo ay ku horumarinayso awooddeeda ciidan. Iyadoo xoogga la saarayo nidaamyada hubka asaliga ah iyo horumarka farsamada, Hindiya waxay rabtaa inay xoojiso amniga gobol oo ayna caddeyso joogitaankeeda goobta caalamiga ah.


5:Boqortooyada Ingiriiska 🇬🇧:

In kasta oo uu ka yar yahay cabbirka awoodaha kale ee milatariga, Boqortooyada Ingiriiska ayaa weli ah awood xooggan. Awoodeeda militaray waxa lagu qeexaa kuwa si fiican u tababaran lehne awood horumarsan.Ciidanka Boqortooyada Ingiriiska waxa ay caan ku yihiin dhinaca ticnoolojiyada, mana ahan ciidan ku eg hal meel ee waxa ay door muuqda ka qaataan howlgalada caalamka. Militariga ingariiska waxa ay xariiir adag oo istaraatiijiyadeed la leeyihiin ururka NATO.


6.Faransiiska 🇫🇷:

Awooda milatari ee Faransiiska waxay ka timaadaa ciidankeeda hubaysan ee xirfada sare leh iyo miisaaniyada difaaca ee ballaaran. Faransiiska, oo caan ku ah aqoonta xagga hawada iyo ciidamada badda, ayaa awood ciidan ku leh xuduudihiisa, saadaalin ta mowjada soo waja han waa waxa ay ciidamadu is dheer yihiin sidaa darteed ciidanka faransiisku waxa uu caan ku yahay saa daalinta ,waana jile weyn oo ka shaqeeya ammaanka caalamka.


7.Japan 🇯🇵:

Awoodda ciidan ee Japan waxay ku dhisan tahay awood tignoolajiyadeed oo aad u wanaagsan iyo militaray si fiican u tababaran oo isdifaacaaya. Inkasta oo ay xaqiiqadu tahay in dastuurkeeda dagaalkii labaad ee aduunka ka dib uu xaddiday dhaq-dhaqaaqyada milatari ee weerarka, Japan waxa ay xoogga saartay horumarinta awooddeeda difaac si ay u ilaaliso danaheeda iyo xulafadeeda.


8:Kuuriyada Koonfureed 🇰🇷:

Kuuriyada Koonfureed oo ah waddan sideedaad ee aduunka ugu military ga sareeyo ayaa samaysatay cudud military oo xooggan, taasoo jawaab u ah dariskeeda. Ku-fiirsashada ay ku leedahay tignoolajiyada casriga ah ee milatariga, nidaamyada difaaca gantaalada, iyo xidhiidhka dhow ee ay la leedahay Maraykanka ayaa xoojinaysa booskeeda awood military oo aagga .Kuuriyada Koonfureed ayaa leh ciidan xoogan oo casri ah.


9:Jarmalka 🇩🇪:

Ciidanka qalabka sida ee Jarmalka oo la casriyeeyay iyo tignoolajiyada horumaray waa awoodiisa ciidan. Caadiyan waxaa la sheegaa in ciidanka waddanka jarmalka ay ka tira yar yihiin ciidamada kale, laakiin dhanka miisaaniyada ame tayadooda ciidan waa ay sareeedaa. Jarmalka, oo xubin muhiim ah ka ah ururka NATO, ayaa door muhiim ah ka ciyaara ilaalinta amniga iyo xasilloonida Yurubleeyihiin.


10:Israa'iil 🇮🇱:

Inkastoo ay aad u yartahay, Israa'iil waxay leedahay ciidan xoog leh oo si fiican u tababaran. Awoodda millatari ee Israa'iil waxay xaqiijinaysaa awoodda ay iskaga ilaalinayso khataraha uga yimaado dhan walba , waxaana taas ugu wacan xirfaddeeda sirdoon ee aan caadiga ahayn, nidaamka difaaca gantaallada casriga ah, iyo awoodda hawada. Ciidanka İsraa’iil waxa ay caan ku yihiin khibrada dhib usoo noolaashiyaha farsamda difaaca.

Gabagabo,tobankaan waddan ee ugu awoodda badan millatari waxay ka tarjumayaan ujeeddooyin-siyaasadeed iyo awooda istaraatiijiyadeed oo ballaaran. Awooddooda ciidanku kaliya ma ilaalinayso ammaankooda qaran, laakiin sidoo kale waxay saamayn ku leedahay dhaqdhaqaaqa caalamiga ah iyo xasilloonida . . Sida dunidu isu beddesho, waxa hubaal ah in quwadahan millatari ay la qabsan doonaan oo ay maalgelin doonaan tignoolajiyada casriga ah si ay u ilaashadaan mawqifkooda una xakameeyaan dariiqa dhacdooyinka caalamiga ah.

Waxaa laga yaabaa in uu is badal ku yimaado liisaskaan waddamadaan aan soo sheegnay laakin waxa ay u baddan tahay in waddamadaan ay joogaan booskooda sanadyaha soo socdo,taasne waxaa sabab u ah hormarkooda xowligaa ku socdo ee uu midba midka dhaafsiisanyahy iyo xifaal tanka ay isku wadaan.

Waxaan rajeynaa in aad qormadaan wax ka fahaantay , aya doo ugu horeedo 10ka waddan ee ugu miisaaniyada weyn adduunka dhanka ciidan.

Related Posts:



Viewest Posts

Older posts

Personality

Articles

Culture

bottom of page