top of page

Extrovert personality

Extrovert: waa nuuc ka mid ah sifooyinka bili aadanka taasoo muujineeso in qofka ama dadka sifadaan leh uu mid hadalka badan ama ay usahlantahay iney qof walbe lahadlaa, oo lasaaxiibaan. Sidookale, waxaa lagu qiixaa in ay yihiin dad ku xiran dadka kale oo aysan ka maar min lasocodka ama la macaamilka dad yowga.

Waxaa jiro labo sifo oo dadku leeyihiin kuwaas oo ka mid ah Sifooyinka ay dadku leeyihiin laakiin labadaan sifo waa kuwa saaid muuqdo oo dadkana lagu arko. labadaas sifo waan introverted iyo extroverted. İntroverted hadaan si guud u macneeyo waa dadka aan hadalka badneen halka extroverted na ay tahay dadka hadalka badan. Waxaa jiri karo wax yaabo negative iah oo aad ka maqashay sifadaan.’haayoo waa dhici karaan in ay leeyhihiin laakiin dadka sifadaan leh maaho dad leh wax yaabo negative oo kaliya, sababtoo ah waxaa jira wax intaa ka baddan oo ay leeyihiin taasoo ay ugu horeedo iney yihiin dad qancin karo qof walbo.

Diyaar u noqo war bixin dhameys tiran oo ku saab san sifadaan caankaa ee extrovert.

Extroversion waa sifo shakhsiyeed oo lagu qeexay u janjeerida xariirka bulshada, yacnii dadka sifadaas leh waa dad ku wanaagsan xariirka bulshada oo awoodda sida dhakhsada ah loola xiriiraayo dadka waa sifo ugaar ah dadka extrovertskaa. Dadka Extroverts ka ah waxay ku koraan wehelka dadka kale waxaana laga yaabaa inay tamar ay ka helaan duruufaha bulshada oo aysan noqonka karin kaligood. Extroverts waxa lasheegay iney dadka ugeestaan aflagaado ame hadal aan dadka qaar u dulqaadan karin mararka lasheekeesaayo, taasne waxay u horseedaa iney dadka waxbadan kasii ogaadaan ame sii dhexgalaan. Sidookle, farxaddooda iyo u-soo-noolaanshahooda dabiiciga ah ee xiriirka bulsheed ay dadka la leeyihiin waxay ka caawiyaan inay sameeyaan shabakado ballaaran iyo xiriirro xaalado kala duwan leh.

Waxaa intaas dheer, extroverts inta badan waxay ku koraan goobaha iskaashiga,waxay na ku qanacsan yihiin la-shaqeynta kuwa kale si loo soo saaro fikrado loona xalliyo arrimaha. Sidookale, dadka extrovertskaa waxay leeyihiin awood isgaarsiineed oo gaar ah, waxay na leeyihiin awood ay ku abuuraan inay si hufan u cabbiraan fikirradooda iyo dareenkooda. Shaqsiyaadkaan, guud ahaan waxay ku guulaystaan ​​shaqooyinka u baahan ka qaybgalka joogtada ah iyo la xariirka dadka, sida bandhigyada.

Ugu danbeyntii, , shaqsiyaadka nuucaan ah ayaa inta badan ku raaxaysta qaadashada wax hindisida, cabiraadda fikirkooda, iyo udidaalida danaha ayagoo adeegsanaya xaalado kala duwan. Sababtoo ah way ku qanacsan yihiin kalsoonidooda waxa ayna u horseedi kartaa hoggaan heer sare ah iyo go'aan qaadasho. Extroverts waxay ku koraan si degdeg ah, jawi firfircoon. Kicinta dibadda sida kulannada bulsheed, isku xidhka dad ka , waayo waaya aragnimada ayaa kicinaysa iyaga.

Gunaanad ,muhiimadda is dhexgalka waxay keeni kartaa in la helo bulsho isku dheeli tiran oo loo wada dhan yahay. sidookle , waxa muhiim ah in la fahmo in extroverted ay tahay hal waji oo ka mid ah dabeecadda bini'aadamka mana tilmaamayso in ay ka sarreeyaan dadka.


U ogow Sikooban Calaamadaha laga yaabo iney leeyihiin extroverts ka:

Extrovet waxa ay leedahay wax calaamado intooda baddan ka soo hor jeedo sifada introvertska. Dadka ku xeel dheer sahamidta sifooyinka dadka waxa ay aaminsanyihiin in extrovertsku ay tahay sifada ugu weyn sifooyinka kale uguna calaamada baddan. Waxaa ka mid ah calaamada ay sifadaan soo muujiso ama ay leeyihiin dadka leh sifadaan kuwa hoos ku qoran:

  • Waxa ay raaxo ku dareemaan la shaqeynta dad baddan.

  • Waxa ay jecel yihiin iney ficil sameeyaan ka hor inta ay san sameen wax ka fikir.

  • Mar walba oo ay wax dareemaan waxa ay jecel yihiin iney hadlaan oo cadeeyaan dareenkooda.

  • Waxa ay markasta rabaan in dad la joogaan .

  • Waxa ay eegaan ame ay tix galiyaan fikrada ay u sooban dhigaan dadka kale.

  • Majecla in ay waqti yar kaligood ahaa daan.

  • Waxa aysameys taan saaxiibo baddan.

  • Waxa ay u hadlaan kor mar walba.

  • Waa dad fur furan saaid u faraxsan.

  • Waxa ay inta baddan noqdaan madax ama leader.

  • Waxa ay jecel yihiin la kulanka iyo barashada dad cusub.

  • Waxa ay leeyihiin kalsooni dhex dhexaada.

  • Waxa ay leeyihiin wax soo saar.

Meeqo Qeyb ayay sifadan EXtroverted ka ay leedahay

Carl JuNg’s ayaa waxa uu leeyahay aragti ku aadan in sifadaani ay u qeebsan to afar nuuc. Waxaa kamid ah afartaas nuu kuwaan soo socdo:

  • Nuuca koowaad, dadkaani waxa ay jecel yihiin iney ficil sameeyaan kaliyah.

  • Nuuca labaad, Waa ay fakaraan, ficil iyo go,aan maleh.

  • Nuuca saddexaad, waxa ay ku raaxeestaan ame ay jecel yihiin iney hadlaan wax na ay dhageeys taan.

  • Nuuca afaraad, dadkaan leh sifadaan waa dad aad u go,aan qaadasho baddan, waxa ayna leeyi hiin hadaf sare.

Afartaas nuuc ayuu nCarl Jungs u qeybiyay dadka ah ama leh sifada la yiraah extroverts. Waana calaamado cad cad oo si faseexa loo arki karo. Adigu hadii aad ka mid tahay dadka extrovert gaa ma is ku aragtay calaamadahaan qaar ka mid ah.


Wax yaabaha negative kaa ee la ga aamino dadka leh sifadaan:

İn wax negetive ah laga sheego dadka leh sifadaan ,maahan wax hada cusub sababtoo ah dhamaan sifooyinka shaqsi waxa ay leeyihiin negative iyo positive. Mida ugu xun oo aan dhihi karto waa lagu dacaayadeeyaa dadka leh nuuca sifadaan waxa waayo in ay yihiin dad saaid u daneeysi baddan.

  • Waa dad aan kalsooni laheyn, sababtoo aha dad la,aan tood wax ma qabsan karaan.

  • Waa dad aflagaadeeyo dadka kale, mar walbane xumeeyo dadka ku hareersan.

  • Waa dad hilmaam badan oo saaxibada ay sameystaan maahan kuwa ka war qaba. Yacnii hadba qof ayay aadaayaan.

  • Waa dad daneeysi baddan oo qofka ay dan ka leeyihiin uun ay xariirshaan ka dibne waxaa laga yaabaa iney san dib u xariirin.

Recommended:


Aan ku weydiiyo:

- Maxaad ka taqaan adigu dadka leh sifadaan,

- maka mid tahay dadka sifadaan leh.

- Ma isku aragtay calaamadahaan aan soo sheegnay qaar ka mida

- Hadii aadan ka mid ahay , majeclaan laheed inaad yeelato sifadaan?

- Mala kulantay waligaa qof leh sifadaan?

- Majeceshahay la kulunka dad ka leh sifadaan.

- Maxaad sameyn laheyd hadii adoo introverts aad lakulanto qof extroverts ah.


Waad noqon kartaa qof yadidiili leh:

Waxaa lasheegaa farxada baddan, dabeecada wanaagsan iyo wanaaga sidiisa dhanba waxa ay ba u gooni yahiin dadka leh sifada extrovertskaa. Dadkaasu maahan dad murugtoodu baddan tahay, mana ahan dad ka gambada dhibaatooyinka soo wajaha oo waxa ay u ridaan dhabarka. Ka hadalka dhibaatooyinka ceeb uma arkaan dadka leh sifadaan. Waxa ay la wadaagaan dadka u dhow, markaasna waxaa laga yaabaa iney hal u helaan dhibkaas.Waxa ay la qabsadaan is badal ka nuuc walbaa.


Commentaires


bottom of page