top of page

Japan|culture,people and language

Wadan ka japan waa wadan jasiirado ah oo ku yaa la Bariga Aasiya, waqooyi-galbeed ee Pacific Ocean. Magaca japan waxaa loola jeedaa qorax ka soo bax. Japan waxa ay leedahay jasiirado waa weyn ku waaso kala ah Hokkaido,Hokkaido,Honshu iyo Kyushu. Caasimada dal ka japanka waa Tokyo. Tokyo waxa ay ka mid tahay magaalooyinka ugu quruxoon, ugu fir fircoon uguna dadka badan adduunka. Sidookale waa jiraan magaalooyin kale oo qurxoon waxaa ka mid ah Kyoto. Japan waxa ay leedahay taariikh soo jirtey kumanaan sano ka hor sida xakamaynta Imbaraadoorka iyo horumarinta dhaqamaha gaar ah sida Shintoismka . Waxa ay inta badan siiyaan tix galin iyo muunad gaara dhaqan kooda.

Content table:

.Dadka

. Cuntada

. Diinta

. Dharka

. Muusiga iyo farshaxanka

Dadka

Dadka ree japan waxa ay ka mid yahiin dadka ugu badan aduunka,sidaa ayadoo ah dhalin yartoodu ma badna. Qowmiyada ugu badan japanes ka waa qowmiyada la yiraah Yamato, qowmiyadaanu waxa ay gacan ka geesatay midnimadoodii. Sidookle, Bulshada ree Japan waxaa lagu gartaa dhaqan-kooxeed, waxa ay xooga saaraan kooxaha oo baahida kooxahu waxa aybe ka horeedaa rabitaanka shaqsi ahaaneed. Waxaa intaas dheer dadka japaneskaa waxaa lagu sheegaa iney yihiin dad aqlaaqloodu sareeso. Japanesku maah dad jecel dadka uga yimaado banaanka sida ajaanibta.İntooda badan maahan kuwa jecel iney dhex galaa ajaanibta sida iney shaqaaleysiiyaan dadka banaanka uga imaado, taas ayaa waxa ay sababtay in ay yihiin dad guurkoodu daaho hadana aan laheyn dhalin yaro baddan.


Cuntada

Cuntooyinka Japaneska intooda badan waxa ay caan ka jihiin Japan. Cunto walbaa waxaa loo garshaa sida ugu wanaagsan. Magaca ay u yaqaanaan Japanes ka cuntadoodu waa washoku. Gobal ama tuula walbaa waxa ay caan ku tahay cuntooyinkeena kuwaas oo ay ku jiraan kuwa dhaqanka. Wqtiyaga ay cunaan Japanesku cutada sida caadigaa waa casho,quraac iyo qado. Cashada waxa ay cunaan inta udhaxeedo 6:00 ilaa 8:00 habeenimo, waxa ay u cunaan casho cuntooyinka sida soup, wax lagu magacaabo maso iyo natto, bariis, iyo geedobadeed. Quraacdane waxa ay ucunaan qudaar, maraq ,iyo ucun, waxa ay cunaan quraacda inta udhaxeyda 6:00 ilaa 7:00 subaxnimo.Halka qadada ay tahay fish cakes, qudaar, digir cagaaran iyo dooroshiilan.Waxa ay u bilaabataa 12:00 ilaa 2:00 galabnimo.


Cuntooyinka ugu caansan Japaneska waxaa ka mida Bariiska, Sushi,Tempura, Ramen, Cunnada badda, Sashimi,Donburi,Yakitori iyo Udon iyo Soba


- Bariiska

Bariisku waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ugu mohiimsan Japaneska. Marka ay cunto baxaayaan Japanesku waxa ay ku daraan Bariis.

- sushi

Sushi waa nuuc kamida cuntooyinka Japanesku ay cunaan kuwooda ugu caan san. Waxay ka koobantahay wax yaabo badan sida caleen badeed, kaluun ceeriin ah iyo qudaar. waxa jiro nuucyo kale oo Sushi ah waxaa ka mida maki iyo temaki iyo kuwa kale oo badan.

- Tempura

Tempura waa qeyb ka mida cuntooyinka japaneska, asalkeeda waxa aa ka imaatay cuntadaani sida la sheegay burtaqiiska, waxa ay na ka koo bantahay hilib,qudaar iyo cunto badeed shiilan.

- Ramen

Ramen waa cunto ka mida cuntooyinka ay japaneska kuwa ay jecel yihiin. waxaa laga sameeyaa baasto, qamadi, ukun iyo hilib doofaar.

- seafood:

Japan waa waddan bado ku hareesanyihiin taas ayaa usuurto galisay cunto kasta oo ay cunaayaan ay ku jirto cunto ame wax bada ka imaaday .

- Sashimi

Sashimi asne waxa waayo kaluun lajarjaray oo ceeriin ah, marka ay siinaayaan dadka ame ay baxaayaan waxa ay ku daraan suugo.

- Donburi:

Donburi waa hilib lo iyo hilib doofaar oo inta ay jar jareen ay shiileen, cuntadaani qeyb ayay ka tahay cuntooyinka ay cunaa Japanesku.


Cuntadu waa ay ka midtahay wax yaabaha ugu horeeyo ee lagu garto wadan ka dhaqan kiisa iyo caadadiisa gaarkaa, ayada oo lasoo bandhigaayo qaabka loo karaayo iyo waxa ay ka koobantahay.


Diinta:

Saan ognahay waddamada aduunka dadka ku nool waa yartahy inta wax aamin san ame rumeesan, sidaa darteed dadka ree Japan waxaa ay ka mid yahiin dadka diimaha rumeesan ame aaminsan. Waxaa jirto labo diimood oo dadka intoodu badan aaminsanyihiin waxa ayna kala yihiin Shintoism ka iyo Buddhism ka. Waa jiraan diimo kala oo ay aaminsan yihiin sida islamka iyo Christianity.

Dharka:

Waxaa jiro dress ay dhaqan uleeyihiin ree Japan, kuwaas oo qarniyo badan ka kor jiray. Waxaa ka mida sida Yukata iyo Hanten . Ku waanu waa dhar dhaqameen lkn waxaa muhiima inaa ogaato in japanesku aysan xiran dhar dhaqameed oo kaliya laakiin ay xirtaan dhar caadiya sida fashionka. Waxa ay leeyihiin warshado ka qeyb qaata naqshadeynta iyo cusbooneysiinta dharka hadii aykuwa dhaqameyd iyo ku wa caadigaa intaba.


Muusiga and Farshaxanka:

Music iyo arts waxa ay qeeb ka yihiin dhaqamada soo jireenkaa ee Japanes ku ilaa iyo hada aan ka harin. Muusic da oo ay ree japan dhaqanka u leeyihiin waxa ay ka koo badantahay dhowr nuuc sida Gagaku oo markii la micneeyo noqoneedo (muusigga maxkamadda!), musigaan sida la sheegay imaanshaheedii waxaa xidid ku lahaa shiinaha. Dhankakale, artsku ama farshaxanka sidookale waa u dhaqan dadka ree japan, farshaxan dhaqameedkooda waxaa ka mida , wax rinjiyeenta oo ay uyaqaanaan (sumi-e), Ulwaaxda oo laqoro waxa ayna yiraahdaan (ukiyo-e) iyo sawir gacmeedka oo ay uyaqaanaan (shodo). Waxa ay ku muujiyaan farshanka qeeb ka mid ah dareekooda sida wadan jacaylka. Waa jiraan goob iyo madxafyo ay ku diyaarsan yihiin farshaxankooda nuuc walba, kuwaas oo ay ugu talagalay ay in dhiiri galin unoqoto dadkooda.


Gunaanad, dhaqanku waa waxa ay bulsho iskaga mid ka kayihiin,waana waxa ka qeyb qaata in bulshadu is fahanto oo ay isla jaan qaadaan. Sidaa darteed, qoraal kaan waxaan uga hadalnay dhawr tusaale oo ka mid ah cajaladaha dhaqamada kala duwan ee Japaneska. Hadeytahay wax ku saabsan dadka, cuntooyinka, dresska , muusigga iyo suugaanta iyo diinta.



By ashoweb.com





Comments


bottom of page