top of page

The most prominent drink in the world- coffee

Maxaad ka taqaanaa coffee/ kafaayga?

Kafaaygu waa mid ka mid ah cabitaannada ugu caansan looguna isticmaalka badan yahay adduunka. Waxa laga soo saaraa digir la dubay, kuwaas oo ah iniinaha dhirta Coffea. Geedaha kafaaga ayaa asal ahaan ka soo jeedda ame ka baxa dhulalka kuleellaha sida Afrika, waxaana hadda laga beeraa waddamada ku yaalla caalamka oo dhan, iyadoo hada Brazil ay tahay dalka ugu badan ee soo saara kafaayga.


Taariikhda kafaayga:

Kafaaygu waxa uu leeyahay taariikh dheer . Isticmaalkeeda cabitaan ahaan waxaa loo maleynayaa inay bilaabatay qarnigii 9-aad waliba dhulka Itoobiya, markii uu ari dhaqde uu ogaaday in xoolihiisa ay aad u firfircoon yihiin ka dib markii ay cunaan geedka kafeeygaa. Xoola dhaqdihii ayaa isna tijaabiyay geedka kafeeyga kadibne waxa uu ogaaday in haduu geedka ame miraha kafeeyga cuno inuu helaayo tamar iyo firfircooni dheeraada, waxa uu na la wadaagay dadkii kale. Markii ay faaftay in mirahaas ame digirtaas ay yihiin kuwa caajiska bixiyaan , waxaa bilaabatay beeritaaanka iyo isticmaalka kafaayga.


Caffeine:

Waxaa jirto walax ladhaho Caffeine oo laga helo kafaayga, sidookale dadka qaar ayaa aaminsan in walaxdaan laga helo shaaxa. Waa maado kor uqaado activitiga ame firfircoonida dareemayaasheena, daalka iyo caajiska kasaarto maskaxdeena. Madadan ladhaho Caffeine waxaa lasheegay in aysan ufiicneen dhanka caafimaadkeena.


Dhaqan uu leeyahay kafaayga:

Kafaayga ayaa ah cabitaan leh taariikh mar hore soo bilaabmatay. waxa muddo dheer la la xiriirin jiray xadaaradaha kala duwan ee adduunka dhan soo maray. Kafaayga ame saa utaqaan qaxwaha ayaa dhaqan ahaan waxa u ahaan jiray in laga cabo meelaha ay bulshadu isugu timaado sida meelaha shirarka iyo gıuryaha si ay u dhameystaan doodahooda caqligalkaa iyo shirarkoodaba. Caadooyinka qaxwaha ame kafaayga way kala duwan yihiin waddan ahaan, sida dhaqanka espresso oo ah kafaay Talyaani ah ama dhaqanka kafaay ee Turkiga.


Sida loo sameeyo kafaayga asal ahaan:

Kafaayga waxaa laga sameeyaa geed baxo oo mirihiisane u eg yihiin qaabka digir ta oo kale. Marka lasameenaayo kafaayga waxaa loo maraa dhowr hab, marka ugu horeedo waxaa ladubaa miraha geed kafeeyga, ka dib waa lashiidaa, kadib waxaa lagu qasaa biyo kulul, kadib kafaayga dareeraha aa laga soocaa waxii la isticmaalay. Dubidda miraha kafaayga waxa ay suurta kalinee in kafaaygu uu san acid lahaa ( uusan dhanaan noqon) waxaana markiiba uu yeelaa dhadhanka kafaayga. Hadii miraha biyaha kulul lagu shubay ay wax baddan layaalaan biyo haas kuleelkaa wax laga yaabaa in uu adkaado oo uu kafaaygu xumaado. ame uu san yeelan dhadhanka kafaaygu leeyahay

waa digirta cagaaran  laga sameeyo kafaayga
waa digirta cagaaran laga sameeyo kafaayga

Nuuc yada kafaayga uu leeyahay:

Waxaa jiro nuucyo badan oo kafaayga loo sameesto kuwaasoo lagu sameeyo meelaha qaar sida maqaayadaha iyo cafateeriyaasha. İn dhowr nuuc oo kafaaya lahelo waxaa sababtay in dadku ay rabaan wax kala duwan oo aysan is ku dooq aheeyn. Ku wooda ugu caansan waxa kamida, Espresso,Cappuccino,Latte, Americano, Brew Qabow, iyo Kafee baraf leh ( Iced Coffee coffe). Waa jiraan noocyo kale oo kafaaya , dhamaantoodna waxaa loo sameeyaa qaabab kala duwan,


Faa'iidooyinka caafimaadka ee uu kafaaygu leeyahay :

Cabida kafaayga waxaa lala xariiriyaa wax yaabo badan ee dhanka caafimaadkaa kuwaasoo iskugu jiro kuwa faaiidooyin iyo qasaaraba leh. Faaiidooyinka uu leeyahay kafaayga waxaa kamida, in aad tamar dheeraad ah ka helno marka aan cabno, maskaxdeenuna ay ushaqeeyneeso si heesara iyo in streesku kaa yaraanaayo. Dhanka kale, cabida kafaayga waxa uu keeni karaa, hurdo la,aan, wadna garaaca oo saaid noqda, iyo xanaaq. Sidookle, waxaa looga digaa caafimaadka hooyada uurka leh, taaso wax yeeleenkarto ilmaha yar ee an wali dhalan.


Gunaanad, kafaaygu asal ahaan waxaa laga helay afrika ilaa uu gaaray aduunka daafihiisa. Waxa uu na leeyahay taariikh dheer. Waa cabitaan laga sameeyo miro lehne dhowr nuuc oo kala duwan. Sidookle maahan cabitaan leh caafimad kaliyah laakiin waxaa jirto caafimaad daro uu keeni karo cabistiisa badan.



By ashoweb.com


Comments


bottom of page